Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay Halka uu marayo Dagaalka ka Dhanka ah Kooxaha Khawaarijta, isla markaana Shacabka uga digay inay la macaamilaan Khawaarijta.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
Ugu horreyn, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in Kooxaha Argagixisada ahi ay Shacabka ku dhibaateeyaan Lacago ay si qasab ah uga qaadaan. “Argagixisadu waxay nagu dishaa Maal ay ka qaaddo Shacabka Soomaaliyeed, mana aha wax Sax ah,” ayuu yiri Wasiirku, isaga oo Shacabka uga digay inay wax Macaamil ah la yeeshaan Khawaarijta.
Dhankiisa, Wasiirka Amniga Mudane Cabdillaahi Fartaag ayaa caddeeyay in Lacagaha ay qaadaan Khawaarijtu aysan ahayn Sako, balse ay yihiin Daad Sharci Darro ah. “Waa la caddeeyay inaysan Sako ahayn waxa ay qaadaan Khawaarijtu, waxaana ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan bixinta Lacago ay Kooxdu ku sheegato Canshuur. “Ganacsatada Soomaaliyeed ha iska ilaaliyaan Kooxda Khawaarijta Lacagaha ay qaadayaan, iyagoo ku gabbanaya Canshuur Baad ah,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Cismaan Axmed ayaa si cad u sheegay in Baadda ay qaadaan khawaarijtu aysan wax Shaqo ah ku lahayn Sakada Islaamka. “Baadda ay qaadaan khawaarijtu ma aha Sako,” ayuu xusay.
Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa mar kale adkeeyay in Dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Kooxaha khawaarijta, iyagoo Shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xoojiyo Nabadda iyo Xasiloonida Dalka

