Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horumarinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.

Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, waxa uu kaalin muuqata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara.