Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya (WFP), Mudane Hameed Nuru. Kulanka ayaa lagu xoojiyey iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (MoECC) iyo Hay’adda WFP.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray la qabsiga isbeddelka cimilada, sugnaanta cuntada, barakaca, iyo saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada sida abaaraha, fatahaadaha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ilaalinta nolosha, dhowrista deegaanka, iyo dhisidda adkaysi waara ee bulshooyinka nugul ee Soomaaliya.