Safiirada Dalalka Carabta u fadhiya Dalka Koonfur Afrika oo Kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga ANC

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika Waxaa ka qabsoomay Kulan Muhiim ah oo u dhexeeya Safiirrada Dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo Xoghayaha Xisbiga Talada haya ee African National Congress (ANC), Mudane Masibulele Xaso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah ee u dhexeeya Dalalka Carabta iyo Koonfur Afrika, iyo Iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, iyo Arrimaha Caalamiga ah.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, oo ka mid ahaa Safiirradii ka qeybgalay Shirka, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha.

Danjiruhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iIaalinta Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, isagoo adkeeyay Doorka ay Dalalka Carbeed ka qaataan Garab istaagga Soomaaliya iyo xoojinta Wadajirka iyo Iskaashiga Gobolka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika iyo Xisbiga ANC sida ay u Garab istaageen Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday Is-Afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii xoojinta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Wadajirka ah ee u dhexeeya Dalalka Carabta iyo Xisbiga ANC.