Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si Rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo ka hadlay Ahmiyadda Mashruucan uu u leeyahay Dowlad-Dhiska Dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Mashruuca Dowlad-Kaab uu yahay Tiir muhiim u ah Ajendaha Dowlad-Dhiska, Gaar ahaan xoojinta Dowladaha Hoose. Wuxuu tilmaamay in Tan iyo markii Mashruucan la bilaabay la gaaray Horumarro Wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:
Dhammaystirka iyo Hirgelinta Siyaasado iyo Habraacyo Heer Federaal, Dowlad-Goboleed iyo Degmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo Istaraatiijiyadaha iyo Habraacyada Maaliyadda iyo Adeeg-bixinta.
Xoojinta Nidaamyada Maaliyadeed, iyadoo la hirgeliyay Hannaan Casri ah oo lagu Maareeyo Dakhliga iyo kharashaadka si loo helo Isla-Xisaabtan Dhab ah.Kor u qaadidda Awoodda Shaqaalaha Wasaaradaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka Mashruucu Taageero.
Horumarinta Nidaamyada Dijitaalka ah si loo fududeeyo Adeeg-bixinta loona yareeyo Dib-u-Dhacyada iyo khaladaadka.
Degmooyinka uu Mashruucu ka shaqeeyo oo Dhammaantood ku daray Qoondo Lacageed oo dhan 3% kharashaadka Mashruuca, taas oo muujinaysa Lahaansho iyo ka-Go’naansho.
Wasiir Cali Xoosh ayaa Hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Mashruuca Dowlad-Kaab in uusan ahayn oo keliya Mashruuc Horumarineed, balse uu yahay Hannaan lagu dhisayo Kalsoonida Shacabka iyo Dowladnimada Dalka.


