Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo Howlgal sShidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta Heshiisyo Iskaashi Dhaqaale iyo Difaac oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha Seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel Shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,
Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay Markabka Weyn ee Drilling Ship, laguna Magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.
Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga iyo Masuuliyiin kale, Dhanka Turkiga Masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu Hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay Garab Istaageeda dhan kasta ah.
Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa Maalin Weyn oo Taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo Amba-Bixiyo Markabka Cagri Bey oo Howlgal Shidaal Qodis ka sameyn doona Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay Maalin Weyn, waxaan gaarnay Xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka Dalkeena”.
Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysaneyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa Maalin Weyn oo Taariikhi ah, waa Maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso Mustaqbal Horumar leh, markabkan Maanta u Amba-baxaya Biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan Sharci iyo Hufnaan mas’uuliyad,”.
Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay Hanti Qaran, islamarkaana ay Xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo Cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan Xeerarka Caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha Maanta iyo kuwa dambe, waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo Dibadda in ay muujiyaan Garab Istaag, Midnimo iyo Horumarka socda ah ee ah Shidaal Qodista.
“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey Axadii, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono Howlgalkii ugu horreeyay ee Sahaminta Badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga Badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti Taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu Bisha Abriil ka bilaabi doono Qodista ‘Ceelka Curad-1’ ee Soomaaliya.
“Waa markii ugu horreysay, Markabkayaga Qodista Badda Gunteeda hoose, ee u socda Howl ka baxsan (Aagga baddeena),” Bayraktar ayaa ka sheegay xaflad ka dhacday Dekedda Tasucu ee Gobolka Koonfureed ee Mersin, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee uu ka Howl Galo meel ka baxsan Dalka Turkiye.
Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.
Arrintaani waa guul wayn iyo himilo muddo dheer la sugayay in uu ka soo ambabaxay dalka Turkey Markabkii qodi lahaa Shidaalka ku jira badda dalkeena Soomaaliya. Rajadaani waxay ku soo beegmeeysaa xili dalkeenu uu wajahayo abaaro ba’an iyo gaajo ka dhalatay abaartaas, waxaanse rajeeynayaa in riyadii Ummadda Soomaaliyeed ay muddada dheer ku taamayeen, oo aheyd, in ay mar uun arkaan khayraadka dalkooda, oo ay ka baahnaayeen muddadaas fog in ay la soo baxaan, kuna barwaaqoobaan Eebe Idamkiis, waxaana looga baaha yahay Ummadda Soomaaliyeed in ay ku fara adeegaan rajadaas soo bidhaantay ee mudadda fog la sugayay, si dalkeenu u helo dhaqaalo lagu hormariyo, islamarkaasna looga maarmo gacan hoorsiya Shisheeyaha.
Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:- ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY
RAFAADKA AAN KA REYSANNEE.
By: Cabdullaahi Ruush

