Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta, waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.


