Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac , ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Axmed Diiriye.

Wafdigan waxaa sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Kalluumeysiga Waqooyiga Bari Ismaaciil Sh. Axmed.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa wafdiga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari u sharaxay Siyaasadda Dowladda ee Warbaahinta iyo Ajendayaasha hor Tebinta u leh Qaranka oo ay ugu horeeyaan ilaalinta Midnimada Dalka iyo Wadashaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday iney ka Wasaarad ahaan taageerri doonaan si dhowna ula shaqeyn doonaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, maadaama Maamulka uu yahay mid cusub.