Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi heerkiisa sareeyo oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Culuumta).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Dhaqanka, Culuumta iyo kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wafdiga siiyay Warbixin ku saabsan Xaaladda guud ee Dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo Dib-u-Dhiska Hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo Nidaamka Waxbarashada Dalka.

Dhankooda, Wafdiga Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Carrabka ku adkeeyay Muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado Iskaashiga Waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii Ururrada Waxbarashada Caalamiga ah, isla markaana la sameeyay Horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka Waxbarashada Dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay Bulshada Soomaaliyeed siiso Fursado iyo Deeqo Waxbarasho oo kala duwan.

Intii uu Kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa Horumarinta Luqadda Carabiga oo ah Luqadda Labaad ee Dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay Aqoonta, Diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.