Addis Ababa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Guang Cong, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika, kulan kaas oo dhacay Intii uu Socday Shirarka Midowga Afrika.
Kulanka ayaa dib loogu xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo wadajir dhuleedkeeda, iyo hirgelinta xalal ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu u rajeeyey Mudane Guang Cong guul iyo horumar xilkiisa cusub, isaga oo muujiyey diyaar-garowga Soomaaliya ee ah in ay si dhow ula shaqayso si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.


