Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefishinka Al-Carabiya, ayaa dul istaagay qodobbo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirka ayaa xusay in aqoonsi kasta oo ay bixiso Israel uu noqonaayo mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,isla markaana kahor imaanaya xeerarka caalamiga ah ee ay wada dhigteen dalalka dunida.
Mudane Daa’uud Aweys ayaa caddeeyay in damaca Israel uu yahay sidii goob colaadeed looga dhigi lahaa marinka Baabulmandab iyo guud ahaan biyaha badda cas ee ay kulaaalaan dalal badan,wuxuuna ku taliyay in la hor-istaago rabshadaha uu dalkaasi doonayo in uu u soo warejiyo gobolka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys waxa u ka dhawaajiyay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir wanaagsan ay la leedahay Masar,Turkiye iyo dalal badan,wuxuuna intaa raaciyay in ujeedku yahay in la sameysto iskaashi difaac iyo mid siyaasadeed,isla markaana Soomaaliya oo ah saaxiib hore gacan lagu siiyo sidii ay u ilaashan laheyd midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee ay leedahay.
Iskaashiga aan la leenahay dalalka saaxiibada nala ah waa mid suurtagalinayain la burburiyo kooxaha argagixisada ah”ayuu tiri Daa’uud Aweys,isagoo dhinaca kalena tilmaamay in Dowladda Sooaaliya ay dadaal ugu jirto sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo xasilooni darro ka wadda geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

