Cape Town(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa Kulan Miro-Dhal ah la yeeshay Madax ka socotay Empire Investment Bank, oo ah Bangi Caalami ah oo Maalgelin ku sameeya Shirkadaha ka shaqeeya Macdanta, isla markaana Xaruntiisu tahay Dalka Shiinaha, iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee Dalka Koonfur Afrika, President Adv. Mtho Xulu.
Kulankan ayaa ka dhacay Magaalada Cape Town, xilli Wasiir Daahir Shire Maxamed uu ka qaybgalayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika. Wasiirka waxaa Kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.
Intii uu Kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa Madaxda ka socotay Bangiga iyo Rugta Ganacsiga si faahfaahsan ugu soo bandhigay Macdanta iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya hodanka ku tahay. Madaxdaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay Warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan Fursadaha Maalgashi ee ka jira Dalka.
Dhankooda, madaxda bangiga iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ayaa qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad macdan iyo mid badeed oo ballaaran, isla markaana ay Muhiim tahay Horumarinta iyo sare u qaadidda Maalgashiga kheyraadka Dabiiciga ah ee Gobolka.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.





