Muqdisho(Wargeyska Dalka):- waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir Cilmiyeed Heer Qaran ah oo diiradda lagu saaay Sugnaanta Cuntada, Horumarinta Abuurka Dalagyada Beeraha, iyo la qabsiga isbeddelka Cimilada. Shirkan ayaa si gaar ah u iftiimiyay doorka Digirta iyo Dalagyada kale ee Nafaqada leh ku leeyihiin Mustaqbalka wax-soo-saarka Beeraha Soomaaliya.
Shirka ayaa isu keenay Aqoonyahanno, Khubaro ku Takhasusay Beeraha, Hay’ado Dowladeed, Jaamacado, iyo Shirkado gaar loo leeyahay. Ujeeddadiisu waxay ahayd xoojinta Wada-Xaajoodka ku saabsan sida Cilmi-Baarista, Abuur Tayo leh, iyo Tiknoolajiyada Casriga ahi uga qayb qaadan karaan Sugnaanta Cuntada, adkaysiga Cimilada, iyo Koboca Dhaqaalaha, gaar ahaan Bulshada ku tiirsan Beeraha iyo Nolosha Reer Miyiga.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo Nidaam Abuur oo la isku halayn karo, kaas oo taageera wax-soo-saar joogto ah. Intii uu socday Shirka, Khudbadaha furitaanka iyo doodaha Wiisaska wareega (panels) ayaa muujiyay in Horumarinta Hidde-Sidaha Dalagyada, gaar ahaan Digirta, ay tahay tiir muhiim u ah kor u qaadidda wax-soo-saarka iyo Sugnaanta Cuntada.
Waxaa la isla gartay in Abuur Tayo sare leh uu si toos ah u saameeyo wax-soo-saarka Beeraha, kordhinta Dakhliga Beeraleyda, iyo helitaanka Cunto ku filan. Sidoo kale, doodaha ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee beeraleyda yaryar ku leeyihiin sugnaanta cuntada, iyada oo la xusay baahida loo qabo in la siiyo taageero dhinaca aqoonta, adeegyada beeraha, iyo siyaasad u fududeysa wax-soo-saarkooda.
Shirku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la muujiyay in isku xirka siyaasadda, Cilmi-Baarista, iyo Farsamada Beeraha uu yahay furaha lagu yareyn karo saameynta Cimilada ku yeelato Wax-Soo-Saarka.
Ka qaybgalayaashu waxay tilmaameen doorka ay Dowladda, Ganacsiga Gaarka loo leeyahay, Xarumaha Cilmi-Baarista, iyo Jaamacaduhu ka qaadan karaan Horumarinta wax-Soo-Saarka Beeraha, iyada oo la adeegsanayo Tiknoolajiyada Casriga ah.
Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda, oosoo qabanqaabisay Shirka, ayaa mar kale muujisay Kaalinteeda Hoggaamineed ee isku xirka Aqoonta, Cilmi-Baarista, iyo Horumarinta Qaranka. Jaamacaddu waxay caddeysay in Shirkan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu taageerayo Xalal Cilmiyeed ee wax ku ool ah, kuwaas oo Gacan ka geysanaya Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Nolosha Bulshada Soomaaliyeed.


