Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka “WHO”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa Magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO, Gaar ahaan Horumarinta Adeegyada Caafimaad ee Aasaasiga ah, Taageerada Hooyada iyo Dhallaanka, kor u qaadista Tababarka Umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda WHO ayaa isla qaatay Muhiimadda ay leedahay sii wadidda Wada-Shaqayn Dhow oo lagu Horumarinayo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya, iyagoo si Gaar ah diiradda u saaray Xaaladaha adag iyo Goobaha Nugul.