Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo Iskaashiga Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta si Rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista.

Heshiiskan oo lagu saxiixay Magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in la sameeyo Hannaan rasmi ah oo Fududeynaya is-weydaarsiga Tacliimeed iyo Cilmiyeed ee u dhexeeya Jaamacadaha iyo Hay’adaha Tacliinta Sare ee Labada Dal.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya Qodobadan soo socda:
Is-Weydaarsiga Ardayda, Macallimiinta Jaamacadaha iyo Cilmi Baarayaasha
Taageeridda Tababarrada iyo Barnaamijyada Cilmi Baarista ee muddada gaaban
Abaabulka Shirar, Aqoon-is-Weydaarsiyo iyo Siminaarro Wadajir ah
Hirgelinta Barnaamijyo Shahaado-Wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD)
Fududeynta helitaanka Deeqaha Waxbarasho iyo Aqoonsiga Shahaadooyinka

Labada Dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta Xuquuqda Hantida Aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata Cilmi Baarista Wadajirka ah, iyadoo la raacayo Shuruucda Qaran iyo Heshiisyada Caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in Heshiiskani uu xoojinayo Xiriirka Taariikhiga ah ee Walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo Tayada Waxbarashada Sare iyo Horumarinta Cilmi Baarista Dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa Carrabka ku adkeeyay in Iskaashigan uu abuuri doono Fursado ballaaran oo ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda iyo Macallimiinta Labada Dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta Aqoonta iyo Horumarka Guud ee Gobolka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee Labada Dowladood ay ugu jiraan xoojinta Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo Horumarinta Mustaqbalka Jiilasha soo koraya.