Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee leh goobaha biyo fariisinka ah ayaa sheegay in ay wadaan xalka sidii wax looga qaban lahaa goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan la bilaabi doono qorsheynta mashruuc loogu talagalay dib u dhiska waddooyinka burbursan,iyadoo ay garab socdaan maareynta biyaha ku soo rogmada wadada iyo hareeraheeda.

Muungaab waxa uu shacabka iyo ganacsatada deegaanka ku boorriyay inay ka qaybqaataan ilaalinta iyo dhowrista wadooyinka la hagaajinaayo, si ayuu yiri ay u sii jiraan,isla markaana looga faa’ideysto.

Hadalada ku saabsan dib u dhiska goobaha biyo fariisadka ah ayaa soo baxay xilli uu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir uu booqday biyo-fariisinka Isgoyska Fagax ,halkaasi oo dhawaan laga hirgelin doono mashruuca dib-u-dhiska iyo dayactirka ee waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxa uu booqday Wadada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo uu ka socdo mashruuca dhismaha waddo Laami ah.