Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ka hadlay xaaladda abaaraha iyo qodobbo kale

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed , saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sidoo loo qaadi lahaa tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanaayo xaaladaha taagan.

Kulanka oo uu guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey xeer nidaamiyaha sanduuqa qaranka ee maareynta kharashka iyo musiibooyinka ,kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah ,iyada oo ujeedka guud uu yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka heyโ€™addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.

๐Ÿ- ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ข๐ฌ-๐š๐Ÿ๐ ๐š๐ซ๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š, ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ข๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐›๐š๐๐๐š.

๐Ÿ- ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐๐๐š (๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ”).

๐Ÿ‘- ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ข๐ซ๐จ๐›๐ข ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐›๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ•.

๐Ÿ’- ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐œ๐š๐›๐›๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐›๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐Ÿ—๐Ÿ”๐Ÿ—.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka baโ€™an ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faaโ€™iidaysi baniโ€™aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.

ย ย ย