Kumuu ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og yahay Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay Sanadkii 1965-kii, isaga oo ku dhashay Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uuna Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku biiray Sanadkii 2009-kii, isaga oo Waqtigaas kaga biiray Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, isagoo ka mid noqday Madaxda Sare ee Kooxda Al-shabaab.

Sida la sheegay Horjooge Cabdullaahi Wadaad, waxa uu ka mid ahaa Raggii loogu doonista badnaa marka loo eego Shartiisa, kuwaasi oo ay Dowladda Soomaaliyeed aad u Baadi-Goobeysay. Sanadkii 2024-kii ayey Dowladdu ku dartay Liiska Horjoogaaasha Waa weyn ee Cunqabataynta la saaray, waxaana ay Dowladdu Xayiraad saartay Dhaq-Dhaqaaqiisa, waxaana uu soo qabtay Xilal kaa gedisan, isagoo noqday Sargaalka u Qaabilsan Khawaarijta isku xira Beelaha Dega Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah, ay Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Kuunya Barrow, kaasi oo lagu Khaarijiyay Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo Muddo Dheer dhibaato ku hayay Nabadgelyada iyo Xasilloonida Shacabka.

Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay Dhaca iyo Baadda Hantida Shacabka, Falal Amni-Darro oo uu ka geystay Deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay Bulshada, islamarkaana waxa uu ku lug lahaa Dilalka Ganacsato badan oo Dalkooda Maalgashanayay, iyo Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gudaha Dalka, sida uu Wasiirku sheegay.

Horjooge Cabdulaahi Cabdi Xassan (Wadaad) waxa uu ahaa Madaxa Maaliyadda Kooxda, waxaana la sheegaa in uu hadda ka mid ahaa 10 Xubnood ee ugu Sarreeya Kooxda. Horjoogaha Wadaad ayaa lagu Dilay Duqayn ka dhacday Kuunyo sida ay xaqiijinayaan ila Muhiim ah. Horjoogahan ayaa ka mid ahaa kuwa aadka iskaga ilaaliya Sawirada waxaana laga hayaa Sawir yar ee uu ka mid yahay midkaan kore. Warar la helay ayaa tilmaamaya in uu isticmaalo Magacyo Been Abuur ah, si uu Hormariyo Xirfadiisa ku saabsan Isqarinta.