wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo la-dagaalanka tahriibka kaas oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Dhuxulow,Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi (Kanif).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali iyo Taliyihii Hore ee Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) G/Sare Muxudiin Axmed.

Shirkan oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Dowladaha Talyaaniga iyo Masar, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo tahriibka, iyo ka ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha dembiyeed ee abaabulan, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dalalka ay saameynta ku yeelato tahriibinta.