Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladdaha degdegga ah

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladda degdegga ah ee abaarah, kaas oo ay ka qayb qaateen hayโ€™adaha dowladda iyo ururrada haweenka u dooda xuquuqda. Shirku wuxuu diiradda saaray saameynta abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka nugul, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ka-jawaabista baniโ€™aadannimo ee ku saleysan xog, caddaalad, iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka ay dhibaatadu saameysay.

๐ƒ๐ซ. ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐‰๐ข๐ฆ๐œ๐š๐š๐ฅ๐ž, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in lagu heshiiyay Sedex qodob si Haweenku qeyb uga noqdaan Howlaha Gurmadka:

1. In dhammaan aragtiyadii ururrada haweenka la mideeyay si ay qeyb uga noqdaan qorshaha badbaadinta dadka ay abaartu saameysay.

2. In ururrada haweenka la mideeyo si ay u yeeshaan hal hoggaan oo ka qeyb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed.

3. In haweenka Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan meel dheer si loo hubiyo in gargaar loo fidiyo dadka nololshoodu halis ku jirto.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย