Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa Marinnadii Ganacsi, Goobo ay Colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Screenshot

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil; “ Israa’iil waxay u rogaysaa Marinnadii Ganacsi, Goobo ay Colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa barnaamij uu baahiyay Telefishinka Al Jazeera, wuxuu ku soo bandhigay Qorshaha ay Israa’iil ka leedahay Aqoonsiga ay siisay Somaliland oo uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah Qorshaha Guud ee Israa’iil ay ku doonayso Qalalaase laga abuuro Mirannada Ganacsiga ee Muhiimka u ah Ganacsiga iyo isku xirka.

“Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Dhul ka tirsan Soomaaliya oo ay u aqoonsatay Dowlad Madax-Bannaan, waa ku xadgudub halis ah oo ka dhan ah Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana jebin Cad oo ka baxsan Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah,Dhanka Juqraafi-Siyaasadeedka, Israa’iil waxay doonaysaa inay Gacanta ku dhigto Albaabka Koonfureed ee Badda Cas, gaar ahaan Marinka Bab al-Mandab, si ay u maamusho marin caalami ah oo Istiraatiiji ah, taas oo si buuxda uga hor imaaneysa Danaha Soomaaliya iyo Gobolka, waana arrin aan si adag u diiddanahay.”
Wasiir Ayuub, ayaa sidoo kale sheegay ; “ Aqoonsigan wuxuu yimid xilli ay Badda Cas iyo Qaaradda Afrika gGud ahaanba ka jiraan Xiisado iyo kacsanaan sii kordhaya.Marka lagu daro waxyaabihii hore u dhacay, Israa’iil hadda si cad ayay u muujisay inay tallaabo hore u qaaday. Tallaabadan waxay gudbinaysaa farriin ah in Israa’iil ay diyaar u tahay inay Taageerto Dhaqdhaqaaqyada Gooni-Goosadka ah ee u Adeegaya Danahaheeda, isla markaana ay suuragal tahay inay Gobolka ku lug yeelato dhinac Siyaasadeed ama mid Militari.Waxaan ku jirnaa Xaalad la iskudayayo in dib loo qaabeeyo Marinnada Ganacsiga ee Badda Cas, si ay ugu Adeegaan Danaha Israa’iil, taas beddelkeedana ay halis u noqdaan Amniga Dadka ku nool Gobolka iyo Dhaqaalahooda.”

Ugu Dambeyntii ,Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf wuxuu sheegay in xilligan lagu jiro Marxalad la wajahayo Qalalaase Caalami ah oo si qorsheysay loo abaabulay, kaasoo ujeeddadiisu tahay in Badda Cas laga beddelo halbowlaha Nolosha ee Ganacsiga iyo isku xirka Dunidda, lagana dhigo Goob Colaad iyo khilaaf uu ka taagan tahay.