Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo qabatay Kulan looga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyadda Wasaaraddau u qabato Dadweynaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay Kulan looga hadlayey Xaqiijinta Adeeg Hufan oo loo qabto Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Hiigsiga fog ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo Kulanka Shir Gudoomiyey ayaa waxaa  ku weheliyey Wasiir ku-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-Waaxeedyada kala duwan Wasaaradda.

Muhiimadda Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xaqiijinta Adeeg hufan oo loo qabto Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Hiigsiga fog ee Wasaaradda,sida Xoojinta xiriirka Shaqo ee u dhexeeya Hoggaanka Sare iyo Agaasime-Waaxeedyada Kulanka, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax Agaasimaha ayaa si Faahfaahsan u soo bandhigay Habsami u socodka Howlaha Maalinlaha ah ee Wasaaraddu qabato sida Qorshaha Casriyeynta iyo Dib-u-Dhiska lagu samaynayo Xarunta Wasaaradda iyo Istaraatiijiyadda fog ee Horumarinta Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dalka.