Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid Wadahadallo Muhiim ah oo lagu xoojinayo Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada Dal.
Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada joogtada ah ee ay la Garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ilaalinta Midnimada, Madaxbannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka, isagoo sidoo kale xusay Doorka muuqda ee Dowladda Turkigu ka qaato Taageeridda Dalka Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper Aktaş. Safirka Turkiye u Fadhiyo Dalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii Amba-qaado Wadatashiyada Joogtada ah iyo Iskaashiga ku aaddan waxyaabaha Mudnaanta u leh labada Dal, si loo sii xoojiyo Xiriirka Istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.


