Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo Maanta kulan yeeshay ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Dalka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, Hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.
Hindisahan ayaa muhiim u ah Sugidda Amniga Xogta iyo kaabeyaasha Isgaarsiinta Dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga Weerarrada dhanka Saybarka ah, Xoojinta wada Shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo sare u qaadista kalsoonida Nidaamyada Dijitaalka ah ee Dalka.

