Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay Guddiyada u Xilsaaran Dib-u-Eegista Dastuurka.
Kulanka ayaa Guddiyadu ku wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyadoo sidoo kale la gudbiyay Shintiriska (jadwalka) Doodda soo-jeedimahaasi.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo Dib-u-Eegista Dastuurka KMG ah, si loo helo Dastuur dhammeystiran oo ku saleysan Wada-Tashi, isla-Xisaabtan iyo Matalaad Qaran.



