Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay Shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo Maalgelinta iyo Xoojinta Nidaamka caafimaadka Soomaaliya.
Shirkan, oo muhiim u ah Horumarinta iyo tayeynta Nidaamka Caafimaadka Dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, Saaxiibada Caalamiga ah ee taageera Horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo Daneeyayaal kale oo Muhiim ah.
Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, Xoojinta wada-Shaqeynta, iyo Hirgelinta hannaan Maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo Adeegyo Caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

