Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa la yaaban Dagaalka lagala hortagay waayahaan dambe, sida Dagaaladii jabka loogu gaarsiiyay ee ay ka mid ahaayeen kii ka dhacay Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, kii Deegaanka Jabad Godane ee ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo dhammaantood ay Ciidanka Soomaaliyeed ay jawaabta degdeg ah ka bixiyeen iyo waliba Weerarkii xooganaa ee ay Arbacadii kula wareegeen Gacan ku haynta Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamka ayaan ayaa ka Howlgalay sidii Jasiirada Kudhaa, oo ah Deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana ku dhow Xuduudda Somaliya iyo Kenya ay Gacanta ugu dhigi lahaayeen. Kooxda Shabaabka ayaa u bartay in inta badan looga haro Goobaha ay weerarada abaabulan ku qabsadaan, laakiin wixii ka dhacay Kudhaa ayaa keeni kara in Albaabkaasi uu soo xirmo.
Khawaarijta Shabaabka ayaa Xisaab khaldan isku dhufsaday, marka aad milicsato inuu Damacoodu ahaa inay hantaan Kudhaa, laakiin falcelinta ay Ciidamadu sameeyeen ayaa Calaamad u ah in Ciidamadu ay dib u qabsan karaan Dhulka Dagaalka looga qabsado, haddii si sax ah loogu jiheeyo.
Xoogagga Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa waqti yar gudahood ku xaqiijiyay inay dib ula wareegaan Kudhaa, iyagoona Shabaabkii soo duulay ka dhigay wax la dilo, wax la dhaawaco, in la qabto iyo in kaloo carartay. Hawlgalkan lagu xakameeyay is ballaarinta Al Shabaab ayaa waxaa gacan ka gaystay Diyaaradaha Dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah. Diyaaradaha ayaana gubay toban ka mid ah Gaadiidkii Dagaalka ee ay Shabaabku wateen. Dib u qabsashada Jasiiradda Kudhaa ayaa kor u qaadeysa Mooralka Ciidamada, waxayna iftiimineysaa in Ciidanka uu Qaranku leeyahay ay ku filan yihiin Dalka Difaaciisa, haddii Hoggaanka ay ka go’an tahay in lala Dagaalamo Shabaabka Hubeysan ee caqabadda ku noqday Amniga iyo Horumarka Dalka.
Khubarada dhinaca Militariga ayaa waxay isku raacsan yihiin hal mid, taasoo ah inaysan istaagi doonin weerarada Al Shabaab, illaa iyo inta laga soo celinayo cadaadiskii Militari ee lagu hayay Maleeshiydaasi. Cadaadiska Militari ee Ciidamada ayaa hoos u dhigaya in Kooxaha Khawaarijtu ay helaan Fursado ay ku Abaabuli karaan Weeraro Waaweyn.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Deegaanka Kudha ayaa tibaaxaya in Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo Afjaren Khawaarijtii soo weerartay Deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo Warbaahinta u soo bandhigay Meydadka Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta iyo Horjoogayaashoodii oo lagu laayey Dagaalkaasi.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa habeen hore ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku Dhuumaaleysanayay Dhulka Howdka ah ee Deegaanka Kudhaa, waxaa kale, Aroornimadii shalay Subax Ciidamo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay isla Deegaankaas ayaa dilay afar Xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday Dagaalladii hore, ayna Ciidamadu soo bandhigeen Gaadiid dagaal iyo Hub ay dagaalka Kudhaa uga furteen Khawaarijta, kadib markii lagu laayey dagaalkaasi.
Saraakiisha Hoggaamineysa Howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Dagaalkaan oo soo bilowday Waaberigii Habeen Hore ilaa shalay ayay soo afjareen, kadib markii ay hareereeyeen Cadowga, kadibna ay ku laayeen Halkaas, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay Meydadkooda oo tiro beel ah.
Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa sidoo kale Jab Xoogan kala kulmay Dagaal ka dhacay Deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe Todobaadkii hore, halkaasi oo looga dilay Boqolaal Argagixiso ah, islamarkaana looga furtay Hub iyo Saanad fara bada.
Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta aha ayaa dilay horjooge lagu magaciisalagu soo koobay Timaweyne, ka dib Howlgal Qorsheysan oo ay ka sameeyeen Deegaanno hoostaga Degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Horjoogaha la dilay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen Dadka Shacabka ah ku baxay Gacanta Geesiyaasha Qaranka. Sidoo kale, Ciidamada ayaa intii ay Howlgalka wadeen waxay Gacanta ku dhigeen Mooto nooca loo yaaan Feykon iyo Qori AK47 ah, oo ay dadka Musaafurka ah lagu dhibaateyn jiray.

