INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha ha u naxariistee marxuumad Faadumo Ibraahim Nuur oo aheyd xaaska Tifaftiraha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa Alle ka baryay in uu marxuumadda u naxariisto oo uu ka waraabiyo Janatul Fardowa, islamarkaana uu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelka, qaraabada iyo qoyska ay ka baxday marxuumad Faadumo Ibraahim Nuur.

