Guddoomiye Dr. Muungaab oo Munaasabadda Hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan Horumarinta Waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha Waxbarasho ee Gabdhaha ku nool Caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Waxbarashadu tahay Tiirka ugu Muhiimsan ee Horumar waara, Nabad iyo Mustaqbal ifaya.
Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay Furitaanka Dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona Mustaqbalka Carruurta, gaar ahaan Gabdhaha.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay Ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta Mashaariic Horumarineed oo la xiriira Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada, si loo dardar-geliyo Horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.


