Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qeyb galay kulan khibrad-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNTMIS.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qaababka kala duwan ee doorashooyinka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta fahamka habraacyada dimuqraadiyadeed ee casriga ah.

Furitaanka kulanka waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu kulanku u leeyahay Baarlamaanka iyo sidoo kale doorka ay doorashooyinka ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in kulamada noocaan ah ay kaalin weyn ka geysanayaan xoojinta hannaanka doorasho ee dalka.