Laascaano (Wargeyska Dalka):-Magaalada Laascaano ee Xarunta Maamul Gobolleed Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa Xalay ka dhacay Banaanbax Weyn oo lagu taageeray Midnimada iyo Wadajirka Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la isugu tegay Fagaaraha Taallada “Shuhadada” oo ku taalla Bartamaha Magaalada, iyadoo halkaan farriin adag oo mideysan looga diray Dadka ku Howlan kala goynta Dalka.
Dhallinyarada Reer Muqdisho ee Laascaanood ku sugan oo ay Hoggaaminayaan Cabdiweli Cumar, Fanaanada Qaran ee Xaawo Degan, Agaasime Cantoobo iyo Dhallinyaro kale oo Deegaanka ah ayaa soo Agaasimay isku soo Baxaan Xalay Gilgilay Laascaano, kaas oo si Qota Dheer loogu Muujiyey Muhiimadda iyo Qiimaha Midnimada Dalkeenna.


