Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u muujisay Taageero Buuxda oo ay u hayso Mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-Goboleedka IGAD ee la xiriira Madax-Bannaanida, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Koonfurta Suudaan, kuna Taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay Magaalada Caasimadda ee Juba, ayaa lagu Caddeeyay in Dowladda Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay Ixtiraamka Madaxbanaannida Dhulleed, Midnimada iyo Wadajirka Dalka Soomaaliya, iyadoo la Ilaalinayo Xuduudaheeda Caalamiga ah ee la Aqoonsan yahay.

