Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 16-ka Janaayo,2026
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo uu horkacayey Mr. Qimiao Fan.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada ay ku buriyeen dhammaan heshiisyadii Soomaaliya ay kula jirtay dalka Isutagga Imaaraatka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
5- Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii loo geystay safaaradda dowladda Qatar ku lahayd Caasimada Jamhuuriyada Ukraine ee Kyiv, iyadoo taageero iyo garab istaag umuujisay dowladda Qatar iyo shacabkeeda.
6- Golaha Wasiirrada ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada, iskaashiga, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca ee laba geesoodka ah.
7- Xidhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod caqlibayad ah ku ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada.
8- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mjudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal taleefan ah la yeeshay Wang Yi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha,iyagoo kulanka diirrada ku saray iskaashiga labada dal.
9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in aanu jirin heshiis calami ah oo la geli karo, kaas oo aan aqbalaad rasmi ah ka haysan. Dowladda Federaalka Soomaaliya.
10- Wafdi heer wasiiro ah oo ka socday Dowladda Federaalka ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari.
11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda Kuweyt, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya,iyagoo kawada hadlay ka hortagga tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ku siisay aqoonsi beenaad maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.
12- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty ,iyagoo ka wadahadley go’aankii xadgudubka ahaa ee Israel ku aqoonsatey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.
13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyoow Ibrow iyo Wasiirka Shaqada iyo Amaanka Bulshada ee Turkiga, Dr. Vedat Işıkhan ayaa magaalada Ankar ee dalka Turkiga ku kala saxiixday hirgelinta heshiis is-afgarad oo ku sabsaan horumarinta shaqaalaha.
14- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu xuddun u yahay midnimada Soomaaliya, isaga oo dadka degaankaasi ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin dowladnimada iyo ilaalinta nabadgelyada.
15- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan amniga magaalada Laas Caanood oo isu diyaarineysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.
16- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song, iyadoo kulanka diiradda lagu saarey xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.
17- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay soo dhoweynayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhanka ah xadgudubka Israa’iil ku sameysay qaranimada iyo madaxabanaanida Soomaaliya.
18- Golaha Wasiirada ee Sacuudi Carabiya, oo uu shir guddoomiyay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa si cad u horistaagay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
19- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo kulan ku yeeshay magaalada Jeddah aya si cad u diiday duulaanka gardarada ah ee Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
20- Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.
21- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Daaha ayaa cambaareeyay aqoonsiga xadgudubka ah ee Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.
22- Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
23- Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax ay kaga soo horjeedeen faragelinta qaawan ee Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya.
24- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka Israel ay kula kacday midnimada Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.
25- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa hawlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

==========DHAMMAAD============

