Pretoria:-Waxaa Maanta Booqasho Sharafeed Ku yimid Xarunta Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Koonfur Afrika Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee dalka Koonfur Afrika Amb Faysal Bin Falah Al Xarbi
Safiitka Sucuudiga ayaa Xarunta Safaarada Soomaaliya Si Diiran Ugu Soo dhaweeyay Danjiraha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya U fadhiya Dalka Koonfur Afrika Amb Maxamed Sheekh Isaak
Kulanka ay yeesheen labada Danjire ayaa looga hadlay arimo muhim ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha dannaha wadajirka ah ee labada dal.
Dhan kale Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb Faysal Bin falah Al xarbi Ayaa Sheegay in Had iyo Jeer ay Garab Taaganyihiin midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayna Dowlada soomaaliyeed la leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.


