Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo xubno kale oo kamid ah hoggaanka dhaqanka Dowlad Goboleedka Puntland.
Kulanka booqashada wasiirka waxaa kaloo qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan C/laahi Diyaano iyo Wasiir hore oo Puntland ah Mudane Xasan Shire Abgaal.
Dhinacyadaasi waxa ay kulankooda kaga hadleen xaaladda dalka,gaar ahaan hormarada socda iyo doorka ay hoggaanka dhaqanka ku leeyihiin isu soo dhoweynta dadka iyo guud ahaan samatabixinta dalka.

