Wasiir Fiqi oo kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Waqooyi Bari

Laascaanood:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan difaacyada aagga Guumays.

Wasiirka ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.

“Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa, waxaana rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.