Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta furay tababar aqoonkororsi ah oo loogu talagalay kor u qaadista hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maareynta maaliyadda ee waaxyaha wasaaraddaasi.
Tababarkan waxaa bixinaya khubaro ka socda mashruuca SJGAP, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda shaqaalaha, fahamka habraacyada hanti-dhowrka gudaha iyo hirgelinta nidaamyada casriga ee lagu ilaalinaayo hantida wasaaradda.
Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa xusay muhiimadda uu tababarkan u leeyahay horumarinta shaqada wasaaradda, isagoo ugu baaqay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana aqoonta ay ka helaan ku dabbaqaan waajibaadkooda shaqo, si loo xoojiyo nidaamka maamul iyo maaliyadeed ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

