Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Wafdi Heer Wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada Laascaano ee Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda ee la xiriira wadashaqeynta Maamul-Goboleedyada.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Xasan iyo sidoo kale Wasiirro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Masuuliyiinta waxaa ku jira xubno ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya, taasoo muujinaysa Muhiimadda Safarka ee Dowladda Federaalka Soomaaaiya ee ku aaddan Maamul Wanaagga Qaranka iyo Dib-u-Heshiisiinta.
Booqashada Wafdiga ee Magaalada Laascaano ayaa la filayaa inay diiradda saaro xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari, ka hadalka Arrimaha Mudnaanta leh ee la xiriira Maamul, Amni, iyo Horumarineed, iyo adkeynta Midnimada Dalka iyo kala Dambeynta Dastuuriga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay sii waddaa inay mudnaanta siiso wadahadal toos ah iyo wadashaqeyn Maamul-Goboleedyada, iyadoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo Nabadda, kor loogu qaadayo Adeegyada Bulshada, laguna dardargelinayo dhismaha Dowladnimo ee Dalka.

