Sucuudiga oo mar kale caddeeyey sida uu u diidan yahay kala qaybinta Soomaaliya

Riyad: Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in Sacuudiga uu si adag uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imaanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda.

Goluhu sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan kala-qaybin kasta ama fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aannada geesinimada leh ee horay uga soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.