Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Brussels,(Wargeyska Dalka):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax oo ay kaga soo horjeedeen faragalinta Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya iyo aqoonsi beenaadka ay siisay maamulka Somaliland.

Dibadbaxayal ayaa isugu baxay  afaafka hore ee xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah xadgudubka Israa’iil iyo kala qeybinta dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Beljimka ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.