Wasiirka Arrimaha Dibadda XJFS oo Kulan-Doceed la Qaatay Dhiggiisa Dalka Masar

MUQDISHO(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Caawa Fiidkii Magaalada Jidda Kulan kula yeeshay Dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey Shirka aan Caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada Wasiir waxay si Qoto Dheer uga wada hadleen Aqoonsiga Sharci-Darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, iyagoo si Adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Midnimada, Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay Carrabka ku adkeeyeen Muhiimadda Dhowrista Sharciga Caalamiga, iyagoo muujiyey Taageeradooda Dhammaan Dadaallada lagu Dhowrayo Midnimada Qaran iyo Xasilloonida Dalka.