Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku Dhigay Dhagarqabe ka Tirsanaa Khawaarijta, una Qaabilsanaa Degmada Baardheere falalka Amni-Darrada iyo Curyaaminta Dhaqaalaha Shacabka.
Dhagar Qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa Kooxda khawaarijta u Qaabilsanaa Saddex Shaqo oo khatar ah kuwaasoo kala ahaa inuu Waddooyinka ku aasi jiray Miinooyinka lagu Waxyeeleeyo Gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo Kuwa Dadweynaha.
Sidoo kale Dhagar Qabaha ayaa khawaarijta u Qaabilsanaa inuu u Gudbiyo Xogtada Ganacsatada Gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo Ganacsaada Hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta.
Dhagar Qabahan ayaa waxa Gacantiisa ku Maqan sida uu Qirtay Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliiska Degmada Baardheere kaas oo uu ku dilay Qarax Miino isagoo Dhagar qabuhu Qirtay in ay Qaraxan wada fuliyeen Dhagar Qabe kale oo lagu Magacaabo Aadan Dheere.

