Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-Simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya u Joogaa

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-Xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, ahna Ku-Simaha Safiirka, Danjire Sam Thomas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada, iyo wada-shaqeynta la dagaallanka Argagixisada.