Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadii jumcaha kaga hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dadka,culimada kala joogta caasimadda iyo gobolada dalka ayaa si isku mid ah meel adag uga istaagay damaca Israa’iil rabto in ay ku waxyeelayso midnimada dhulka Soomaaliyeed.
Sh Cabdillaahi Gaab oo ka mid ah culimada sida adag uga hadlay damaca yuhuuda ayaa yiri “Dhagarta Yahuuda horay ayaa Islaamka looga digay Allah ayaa Qur’aanka Kariimka ah noogu sheegay, majirto wax aan ka faa’iideyno Israa’iil”.
Sidoo kale Sheekh Daahir Caddow “Israa’iil caalamka Islaamka oo dhan dhibaato ayey ku hayaan, Dalkeenana dhibtaas ayey lasoo doonteen dalkeena”.

