Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay ilaa saaka fuliyay howlgallo duqayn ah oo is xigxigay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Jabad Godane, gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka. Tani waxay si weyn u wiiqday awooddooda dagaal iyo abaabul.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee dhanka iskaashiga amni, xog-wadaagga, iyo awood-siinta hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale ballanqaadayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.


