Marka: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaanada Gendershe iyo Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa cagta mariyay maleeshiyaad ka tirsan khawaariijta oo isku dayday in ay ku dhuumaaleeytaan dhulka keymaha ah.
Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa la wareegay barihii khawaariijta ugu muhiimsanaa ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere.
Howlgalada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu naafeeyay khawaarijta, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa, iyadoo laga qabsaday deegaanada muddo ay isku dayayeen in ay difaacaan.


