Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee Midnimada, Madax-Bannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo Qaranimada Dalka Soomaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa Mowqifkan ku muujisay qudbad heer sare ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya QM, intii uu socday kulankii degdegga ahaa ee ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagu falanqeeyay faragelinta Dibadeed iyo khataraha ka dhan ah Madax-Bannaanida Soomaaliya.
Wakiilka Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan sinaba u aqbali doonin kala-qaybin ama kala-go’ lagu sameeyo Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya tahay Dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana Arrimaha Gudaha ee Dalka ay si gaar ah u quseeyaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaantay in ay si qoto dheer ula socoto xaaladaha Siyaasadeed, Amni, iyo Bulsho ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ayna ka go’an tahay in ay taageerto Dadaallada Sharci iyo Diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo Midnimada iyo Madax-bannaanida Dalka.

