Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo si adag looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ku hayso Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.
Bannaanbaxyadan ballaaran ayaa si gaar ah uga dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Laascaanood, Baydhabo, Xudur, Cadaado, iyo Guriceel, halkaas oo kumannaan Dadweyne ah isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, iyagoo watay Calanka Soomaaliya, si ay Dunida ugu muujiyaan Midnimo Qaran iyo Dal-Jacayl.
Dadkii ka qeyb galay Bannaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayeen diidmada ay diidan yihiin isku day kasta oo Israa’iil ku aqoonsanayso ama ku taageereyso kala-go’ ama kala-qaybin lagu sameeyo Dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee Dalka.
Dibadbaxayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin, Waxgarad, Dhaliyaro, Haween, iyo Culimo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Dalalka Caalamka, in ay sii xoojiyaan tageeradooda kana hor yimaadaan faragelinta Israa’iil iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Sidoo kale, Shacabka Bannaanbaxa sameeyay ayaa muujiyay taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in ay sii waddo Dadaallada Diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo Madaxbannaanida, Midnimada, iyo Qaranimada Dalka.
Ugu dambayn, Bannaanbaxyadan ka dhacay Magaalooyinka kala duwan ee Dalka ayaa lagu tilmaamay farriin Midnimo Qaran, taas oo muujinaysa in Shacabka Soomaaliyeed ay si Wadajir ah uga soo horjeedaan xadgudub kasta oo lagu sameeyo Dalkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca Midnimada iyo Madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.














