Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jaamacadda Carabta ayaa si xooggan u caddeysay taageerada ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta Qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Dalka.
Khudbaddan ayaa laga jeediyay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga hadlo faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida Soomaaliya.
Jaamacadda Carabta ayaa carabka ku adkaysay inay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo Qaranimadeeda, si loo xoojiyo xasilloonida iyo Nabadda Dalkaas ku yaalla Geeyska Africa.
Sidoo kale, Jaamacadda Carabta waxay ku boorisay beesha caalamka in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida Dowladaha, iyo mabaadi’da Nabadda, iyadoo si cad uga digtay wax tallaabo ah oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo Gobolka.
Jaamacadda Carabta waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aadan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay waajib in la ixtiraamo, lana ilaaliyo.

