Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa luqad aad u kulul ku cambaareysay xad-gudubkii Israa’iil ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid ka hor imaaneysa qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Hadalkan ayaa laga jeediyay shirka degdegga ah ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo Jabuuti si cad ugu muujisay walaaca iyo mowqifka ay ka qabto faragelinta Yahuuda ee ku saabsan madax-bannaanida Dalka Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa caddeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxay ku baaqday in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, lana ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka.

